Waa axay Liquidity Grab?
Liquidity Grab waa dhacdo suuqa ka dhacda marka bangiyada waaweyn (smart money) ama ciyaartooyda waaweyn ay si ula kac ah u dhaqaajiyaan qiimaha si ay u qabtaan amarrada la sugayo (stop loss, pending orders) ee ay hayaan dad badan oo suuqa ku jira. Tani waxay u sahlaysaa inay helaan liquidity — taas oo micnaheedu yahay lacag si ay u galaan boosas waaweyn iyagoo aan keenin qiimo kor u kac ama hoos u dhac degdeg ah.
Tusaale: haddii dad badan suuq ku jiraan iyagoo ku rajo weyn in qiimuhu kor u kici doono (buy orders), laakiin ay stop-loss-yadoodu yaallaan hoos, markaas bangiyada waaweyn waxay marka hore ku riixayaan qiimaha hoos si ay u “qaataan” stop loss-yadaas — taasi waa liquidity grab.
Maxay Tahay Sababta Liquidity Grab Loo Sameeyo?
-
Helitaanka Amarro Waaweyn (Orders):
Suuqyada sida Forex waxay u baahan yihiin ammaro badan si qiimuhu si caadi ah ugu socdo. Marka bangi weyn rabo inuu galo boos buy ah oo weyn, wuxuu u baahan yahay dad badan oo iibinaya — sidaa darteed waa inuu marka hore qiimaha hoos u riixaa si uu u helo liquidity ku filan. -
Kicinta Dareenka Dadka (Psychology):
Inta badan retail traders waxay ku tiirsan yihiin technical analysis, markaas bangiyada waaweyn waxay ogyihiin meelaha ay dadka badan stop-loss-yadooda dhigtaan. Waxay si xeeladaysan u beegsadaan meelahaas si ay dad badan uga saaraan suuqa. -
Qariidadda Smart Money:
Smart money waxay u isticmaashaa liquidity grab sidii istiraatiijiyad ay dadka uga dhigaan khaldan, si ay iyagu uga faa’iidaystaan qiimaha dhabta ah ee suuqa.
Sidee Lagu Garaa Liquidity Grab-ka Suuqa Forex?
Liquidity grab waxay inta badan ka dhacdaa meelaha muhiimka ah sida:
- Swing highs & swing lows
- Support & resistance
- Areas of imbalance
- Fair Value Gaps (FVG)
Calaamadaha Lagu Garto Liquidity Grab
- Wick dheer (shadow) oo ka baxay support/resistance
- Volume korodhay markuu breakout dhacaayo
- Reversal degdeg ah kadib markuu breakout dhaco
Tusaale Fudud oo Liquidity Grab ah
Waxaa jiri kara support level oo dhowr jeer la taabtay. Traders badan waxay dhigtaan buy orders ama stop losses agagaarka meeshaas. Markaas suuqu si lama filaan ah ayuu u jebin karaa support level-ka — si uu u qabto stop-loss-yadaas — kadibna si degdeg ah ayuu dib ugu noqonayaa kor. Taasi waa liquidity grab.
Sidee Looga Faa’iidaystaa Liquidity Grab?
1. Sug Caddeyn Dib U Laabasho (Rejection Confirmation)
Mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee ay galaan ganacsatada yaryar (retail traders) waa in ay gasho suuqa isla markiiba marka wick ama spike dhaco — iyagoo aan sugin caddeyn.
Haddaba, marka liquidity grab dhaco, waxaad inta badan arkeysaa:
- Candle wick dheer oo si lama filaan ah u jebiya support ama resistance level.
- Ka dibna waxaa dhacaya rejection degdeg ah — taasoo ah suuqa oo si dhaqso ah ugu laabanaya jihadii hore.
Maxaad sameyn kartaa? Sug candle dhameystiran (confirmation candle), gaar ahaan 5M ama 15M timeframe, oo muujinaya in qiimuhu dib u soo laabtay. Halkaas ayaad ka geli kartaa entry adigoo leh stop-loss kooban, oo ku jira jihada smart money.
Tusaale ficil ah:
Qiimuhu wuxuu jebiyaa support 1.0900 (oo ay dad badan ku hayaan buy orders), kadibna wick dheer ayuu sameeyaa ilaa 1.0880, ka dibna wuxuu si dhaqso ah ugu soo noqdaa kor. Markaad aragto 15M candle green ah oo rejection cad muujinaysa, waxaad geli kartaa buy oo leh SL hoose.
2. Isku Xidh Fair Value Gap (FVG) iyo Liquidity Grab
Fair Value Gap (FVG) waa meel suuqgu si degdeg ah u dhaafay iyadoo aysan jirin balance supply & demand. Marka liquidity grab dhaco waxay mararka qaar ku dhacdaa isla meel ay ku taallo FVG.
Tani waxay kuu sheegi kartaa in:
- Smart Money ay rabto in ay buuxiso FVG si ay u helaan entry tayo leh.
- Qiimuhu mararka qaar sameeyo liquidity grab si uu u gaaro FVG — kadibna si xooggan ayuu uga soo rogmadaa.
Istaraatiijiyad:
Markaad aragto wick-ka liquidity grab ku dhacay isagoo taabanaya FVG, isla markaana la socda confirmation candle, waxaad heli kartaa setup aad u adag.
Tusaale ficil ah:
15M chart wuxuu muujinayaa imbalance (FVG) u dhexeeya 1.0875 iyo 1.0885. Suuqu wuxuu jebiyaa swing low isagoo sameynaya wick ilaa 1.0874, taabanaya FVG, markaas kadibna wuxuu dib ugu soo noqonayaa kor. Halkaas waxaad ka geli kartaa buy oo leh SL ka hooseeya wick-ka.
3. Isticmaal Timeframes Sax ah & Kill Zones
Waqtiga aad suuqa la socoto wuxuu muhiim u yahay guushaada. Liquidity grabs ma dhacaayaan mar kasta, waxay badanaa dhacaan:
- London Kill Zone: 7:00AM – 10:00AM London Time
- New York Kill Zone: 8:00AM – 11:00AM New York Time
Waa maxay sababta?
Waxaa jira liquidity badan xilliyadaas — bangiyada iyo hay’adaha waa weyn ayaa suuqa si firfircoon u geliya. Sidaa darteed, ICT concepts sida liquidity grabs iyo FVGs waxay si fiican uga shaqeeyaan waqtiyadaas.
Isticmaalka Timeframes:
- 1H timeframe si aad u aragto big picture iyo levels muhiim ah
- 15M iyo 5M timeframe si aad u hesho entries cad iyo confirmations
Tusaale ficil ah:
Haddii aad 1H chart ka aragto strong resistance oo dhowr jeer la taabtay, kadibna 15M chart uu muujiyo wick dheer oo jebinaya resistance-ka saacaddu markay tahay 8:45AM New York Time — taas waxaa laga fahmi karaa in liquidity la qaaday. Haddii wick-ka uu si dhaqso ah u laabto, waxaad heli kartaa short entry tayo leh.
Khaladaadka Laga Fogaado Markaad La Macaamileyso Liquidity Grab
- Ha ka hor dhicin suuqa: Sug inta wick-ku samaysmayo iyo dib-u-soo-laabashada.
- Ha galin meel aan aad u cadayn: Mararka qaar, waxa u ekaan kara liquidity grab wuxuu noqon karaa breakout run ah.
- Risk management la’aan: Mar kasta isticmaal stop-loss iyo entry cadFaa’iidooyinka Isticmaalka Liquidity Grab Strategy
- Fursado cad oo entry ah: Waxay kuu sheegaysaa goorta smart money suuqa galay.
- Ka fogaan trading-ka shukaansiga ah (guessing): Waxaa lagaa caawinayaa inaad sugto caddeyn.
- La jaanqaadida smart money: Waxa aad raacaysaa dhaq-dhaqaaqa bangiyada waaweyn, maaha dareenka dadka yaryar.
Gunaanad
Liquidity grab waa mid ka mid ah istiraatiijiyadaha ugu awoodda badan ee aad ku baran karto sida suuqa u shaqeeyo. Waxa ay kuu sahli kartaa inaad si miyir leh uga ganacsato Forex adigoo isticmaalaya aqoon ku saleysan psychology-da suuqa iyo ficilka smart money. Markaad barato meesha liquidity-ku ku jiro iyo sida loo galo suuqa kadib markuu grab dhaco, waxaad si tartiib tartiib ah u noqon kartaa trader kalsooni leh.
Akhriso Maqaaladan Hoose :
- Falanqaynta Istaraatiijiyada Breakout Trading ee Forex.
- Sidee Ayey Suuqa U Saameeyaan Falanqaynta Fundamental iyo Technical?
- Qorsheynta Maamulka Khatarta (Risk Management)