Sirtan Ku Tarde Garee Si Aad Profitable U Noqoto

 

Sirtan Ku Tarde Garee Si Aad Profitable U Noqoto
Sawir Muujinaya sadexda ba

Hordhac

Suuqyada Forex iyo Crypto waxay leeyihiin qaab-dhismeed u gaar ah oo mararka qaar adag in si fudud loo fahmo. Dad badan ayaa u maleynaya in qiimaha kor u kaco ama hoos u dhaco si lama filaan ah, balse run ahaantii, waxaa jira nidaam qoto dheer oo ka dambeeya dhaqdhaqaaqa suuqa.

Nidaamkaas waxaa lagu magacaabaa Accumulation, Manipulation, iyo Distribution  waa sadex marxaladood oo suuq kastaa marayo, hadday tahay EUR/USD ama Bitcoin. Fahamka marxaladahan waxay kuu sahlayaan inaad si miyir leh u gadato fursado tayo leh oo aad ka fogaato beelida lacagtaada si aan sabab lahayn.

Maqaalkan, waxaan si faahfaahsan ugu sharxi doonaa seddexdan marxaladood, sida loo garto, loogana faa’iideysto  si aad u noqoto ganacsade profitable ah.

Qaybta 1: Accumulation – Marxaladda Ururinta

Waa maxay Accumulation?

Accumulation waa marxalad suuqu ku jiro marka dadweynuhu aanay xiiseynayn qiimaha, balse ganacsatada waaweyni (smart money) bilaabayaan inay si tartiib ah u iibsadaan. Qiimuhu wuxuu u muuqdaa mid dhinac u socda (sideways), mana jiro dhaqdhaqaaq xooggan.

Astaamaha Accumulation:

  • Qiime si tartiib ah isu beddelaya (range sideways ah)
  • Volume hooseeya
  • Manipulation yar ama aan muuqan
  • Candle-yada daciif ah

Sidee Looga Faa’iidaystaa?

  • Sug ilaa aad aragto breakout ka baxaya range-ka accumulation
  • Is barbardhig timeframe-yada sare (1H, 4H, D1) si aad u xaqiijiso jihada
  • U gal trade-ka marka aad aragto confirmation bullish candle oo si nadiif ah u jebinaya resistance-kii

Tusaale: Bitcoin markuu ka baxo $99,000 range kadib toddobaadyo degganaan ah, waxa ay u badan tahay in uu galay trend bullish ah.

Qaybta 2: Manipulation – Marxaladda Muuqaalka Marin Habaabinta

Waa maxay Manipulation?

Manipulation waa halka ay ganacsatada waaweyni isticmaalaan dhaqdhaqaaq degdeg ah si ay ugu qasbaan ganacsatada yaryar (retail traders) inay sameeyaan khalad. Waxaa lagu wataa:

  • Liquidity sweep (soo qaadasho lacagaha SL-yada dadka kale)
  • Fakeouts (jebin been ah)
  • Wickyo dhaadheer oo indho qari ah

Astaamaha Manipulation:

  • Candle-yo dhaadheer (specially 5m/15m)
  • Volume si lama filaan ah u kacaya
  • SLs badan ayaa la garaacaa
  • Suuqu si degdeg ah ayuu u rogaa jihada

Sidee Looga Faa’iidaystaa?

  • Ka fogow inaad gasho marka uu suuqu si lama filaan ah u dhaqdhaqaaqo
  • Sug ilaa uu suuqu ka qaboobo – markaas waxaa muuqda in manipulation dhamaaday
  • Isticmaal wickyadii sare/hoose sida liquidity points

Xasuusin: Manipulation ma aha cadow, waa fursad  haddii aad sugto, waxaad gali kartaa qiimo wanaagsan oo ay smart money-du ka baxeyso.

Qaybta 3: Distribution – Marxaladda Qaybinta

Waa maxay Distribution?

Distribution waa halkii smart money ay bilaabaan inay kala iibiyaan hanti badan oo ay horay u iibsadeen xilligii accumulation-ka. Suuqu wuxuu u muuqdaa mid kor u kacay, dad badanna waxay moodayaan inuu sii soconayo  laakiin dhab ahaantii, suuqu wuu daalay.

Astaamaha Distribution:

  • Price-ku wuxuu sameeyaa highs cusub oo daciif ah
  • Volume-hoosaad ayaa bilowda, kadibna si tartiib ah u kacaya
  • Fake breakouts badan (false push up)
  • Candle-yada kor u dhaadhacaya waxay noqdaan bearish mararka qaar

Sidee Looga Faa’iidaystaa?

  • Sug inaad aragto market structure break (MSS) ama lower high confirmation
  • Trade short u gal marka signs-ka daalka suuqu muuqdaan
  • Isticmaal 4H iyo 1H confirmation si aad uga fogaato galitaan degdeg ah

Tusaale: Altcoins badan ayaa ku dhacda distribution kadib marka BTC ATH cusub galo dadka yaryar ayaa markaas gadanaya, smart money-na wuu iibinayaa.

Faa’iidooyinka Fahamka Marxaladahaan

  1. ✅ Waxaad ogaanaysaa goorta la galo suuqa (entry point)
  2. ✅ Waxaad iska ilaalin kartaa fake breakouts iyo SL qaldan
  3. ✅ Waxaad leedahay dulqaad, ma aha inaad gasho trade kasta
  4. ✅ Waxaad u ganacsan kartaa sidii smart money
  5. ✅ Waxay kaa dhigaysaa mid system leh oo aan ku degdegin

Talooyin Ku Saabsan Sida Loo Adeegsado

  • Isticmaal timeframe isku dhafan:
    4H si aad u fahamto marxaladda guud
    1H si aad u hesho setup
    15m si aad u hesho sniper entry
  • Maaree khatarta (risk): Trade walba ku qaado 1% ama ka yar
  • Samee backtesting: Is barbardhig shaxo hore si aad u barato sida ay marxaladuhu isu beddelaan
  • Ka fogow dareen galis (emotions): Macluumaadku ha kaa horeeyo

Gunaanad

Haddii aad barato oo si dhab ah u fahanto Accumulation, Manipulation, iyo Distribution, waxaad yeelan doontaa aragti suuqeed oo ka duwan inta badan ganacsatada cusub. Ma aha inaad raacdo kuwa degdega, balse waa inaad noqotaa mid dulqaad leh oo suuqyada ka fahma sida ay dhab ahaantii u shaqeeyaan.

Waxay kaa caawinaysaa inaad:

  • ✅ Gasho meel sax ah adigoo sugaya xaqiijinta (confirmation)
  • ✅ Ka fogaato waxyeello ka timaadda trade degdeg ah
  • ✅ Kororsato lacag si nidaamsan, adigoo leh qorshe iyo maamul khatar (risk management)
  • ✅ U dhaqanto sida "smart money" halkii aad ka ahaan lahayd retail trader qaldama

Suuqu ma aha meel lagu ciyaaro. Waa meel ay ka jiraan xeelado, nidaam, iyo sabir. Haddii aad rabto inaad noqoto ganacsade guuleysta, waa inaad si joogto ah u barato seddexdan marxaladood:

  • Accumulation – baro goorta suuqa la diyaarinayo
  • Manipulation – faham goorta laguu dhigayaa dabin
  • Distribution – ogow goorta qiimuhu daalay oo la kala baxayo

Markaad bilowdo inaad suuqyada u aragto sida nidaam ku saleysan cilmi iyo maskax furan, waxaad bilaabaysaa inaad ka fogaato khaladaadka weyn. Waxaa kuu furmaya waddo guul leh oo waarta, halkii aad ku noqon lahayd qof trade kasta gasha si lama filaan ah.

Sirtu ma aha inaad ganacsi badan sameyso – sirtu waa inaad gasho ganacsi sax ah.

Ha ka welwelin haddii aad suuqyada ku cusub tahay. Waxaa muhiim ah inaad barato, aad sugto fursado tayo leh, oo aad u dhaqanto si miyir leh. Dhammaan ganacsatada waaweyni waxay bilaabeen iyaga oo aan waxba aqoonin – farqiga wuxuu yahay inay bartaan waxa saxda ah.

Waxaa lagu tijaabin doonaa sabirkaaga, fahamkaaga, iyo kartidaada inaad xakameyso naftaada. Laakiin haddii aad ku dhaqanto sidaan, waxaad noqon kartaa mid guuleysta oo si rasmi ah u helaya profitable trading oo joogto ah.

Sirtu ma ahan inaad ganacsi badan sameyso, sirtu waa inaad gasho ganacsi sax ah.


Sii Akhriso 

Qaabka Hagarlaawe u Tarde gareeyo

 

Previous Post Next Post

iibso Domain Iyo Hosting Qiime Jaban

Hostinger Hosting Bluehost Hosting Namecheap Hosting

⚠️ Ma jiro wax koorso ah oo aan iibiyo, mana jirto meel lacag lagu bixiyo anigoo dadka wax baraya wax walba oo ku jira Ustaadka waa free. Ustaadka.com

Donations Send USDT BEP20 Website-ka
0x40cf7c1****bebed98e6
📋

Contact Form