Hordhac
Dunida maanta ee horumarka tiknoolajiyadda, lacagaha digital-ka ah ee loo yaqaano Cryptocurrency ayaa si baaxad leh ugu fidaya aduunka. Qof walba wuxuu maalin maalmaha ka mid ah la kulmayaa erayo cusub sida Bitcoin, Blockchain, Wallet, Spot Trading, Future Contracts, iyo kuwo kale oo badan.
Haddii aad rabto inaad si fiican u fahanto aasaaska lacagaha crypto iyo terminoolajiyada ku xeeran, maanta waxaan kuu diyaarinay cashar dhammaystiran oo kooban una sahlan qof walba.
Haddaba, kaalay baro maanta!
Waa Maxay Blockchain?
Blockchain waa kayd xogeed (database) oo online ah, kaasoo diiwaangaliya dhammaan macaamilada (transactions) lagu sameeyo crypto. Waxa uu u shaqeeyaa sidii buug weyn oo qof walba arki karo, laakiin aan la beddeli karin.
Blockchain wuxuu hubiyaa:
- Hufnaan (Transparency)
- Ammaano (Security)
- Xakameyn la'aan (Decentralization)
Tusaale: Markaad dirto Bitcoin, xogtaas si toos ah ayaa loogu diiwaangeliyaa Blockchain, qof kasta oo isticmaala shabakadda wuxuu arki karaa, laakiin wax ka beddel ma samayn karo.
Waa Maxay Hot Wallet?
Hot Wallet waa jeeb (wallet) digital ah oo internet-ka ku xiran, laguna kaydiyo cryptocurrencies. Waxaa loo adeegsadaa lacagaha aad si joogto ah ugu ganacsanayso ama isticmaalayso.
Hot Wallets waxaa ka mid ah:
- MetaMask
- Trust Wallet
- Coinbase Wallet
Faa'iidada: Si degdeg ah ayaad lacag ugu diri kartaa ama uga heli kartaa.
Khatarta: Waxaa loo nugul yahay weerarada internet-ka (hackers).
Waa Maxay Cold Wallet?
Cold Wallet waa jeeb lagu kaydiyo crypto laakiin aan internet-ka ku xirnayn. Waxaa loo isticmaalaa ilaalinta lacagaha waaweyn ama kuwa aan si joogto ah loo isticmaalin.
Noocyada Cold Wallets:
- Hardware Wallets (Ledger Nano X, Trezor)
- Paper Wallets (Lacagtaada oo koodh ahaan u daabacan)
Faa'iidada: Ammaanka waa mid aad u sareeya.
Khatarta: Haddii aad lumiso qalabka ama password-ka, lacagta waa kaa luntay.
Waa Maxay Crypto?
Crypto waa magac kooban oo loo adeegsado Cryptocurrency – lacag digital ah oo la sameeyay iyadoo la adeegsanayo sirta tiknoolajiyadda (cryptography).
Tusaalooyinka ugu caansan:
- Bitcoin (BTC)
- Ethereum (ETH)
- Binance Coin (BNB)
Cryptocurrencies waa madax-bannaan yihiin, ma xukumaan bangiyo ama dowlado. Waxaa loo isticmaalaa:
- Iibsashada alaabada
- Maalgashi
- Lacag dirid iyo helid
Waa Maxay Currency?
Currency guud ahaan waa lacagta la isku dhaafsado alaabo iyo adeegyo. Waxaa jira laba nooc:
- Fiat Currency: Lacagaha dawladuhu soo saaraan sida Dollar, Euro, Shilin iwm.
- Digital Currency: Lacagaha internet-ka kaliya ka jira sida Bitcoin.
Crypto currency waa nooc cusub oo ka mid ah lacagaha, balse si gaar ah u madax-bannaan.
Waa Maxay Spot?
Spot Trading waa iibka ama iibsiga crypto isla markiiba qiimaha suuqa waqtigaas.
Tusaale:
- Haddii aad hadda iibsatid 1 Bitcoin qiimaha hadda suuqa yaal (tusaale 60,000$), taasi waa Spot Trading.
Faa’iidooyinka Spot Trading:
- Si fudud ayaad u fahmi kartaa.
- Ma jiraan dayn (leverage) ama dulsaarka.
Khatarta: Haddii qiimaha crypto uu hoos u dhaco, qiimo jab ayaad la kulmaysaa.
Waa Maxay Future?
Futures Trading waa heshiis aad la galeyso suuq, kaas oo sheegaya in aad iibsan doonto ama iibin doonto crypto mustaqbalka (goob go'an oo waqti ah) qiimo go'an.
Futures waxay kuu ogolaanayaan:
- Inaad ka faa'iidaysato koror ama hoos u dhac suuqeed.
- Inaad isticmaasho leverage (lacag ka badan tan aad leedahay).
Faa’iido: Waxaad ka faa'iidi kartaa suuq kasta (koror iyo hoos u dhacba).
Khatarta: Waa halis weyn, waxaad lumin kartaa wax ka badan lacagta aad dhigatay.
Waa Maxay Leverage?
Leverage waa deyn aad ka qaadato suuq si aad u kordhiso awooda ganacsigaaga.
Tusaale:
- Haddii aad $100 leedahay, leverage 10x ah ayaa kuu ogolaanaya inaad ganacsi ku samayso $1000.
Faa'iido: Fursad badan oo faa'iido weyn helid.
Khatarta: Fursad badan oo khasaaro weyn helid.
Waa Maxay Liquidity?
Liquidity waa awoodda lagu beddelan karo crypto lacag adoon qiimo weyn lumin.
Suuqa leh liquidity badan:
- Waa fududahay in wax la iibsado ama la iibiyo.
- Qiimaha isbeddelkiisu yar yahay.
Tusaale ahaan, Bitcoin waa mid liquidity sare leh, halka tokens cusub ay liquidity yar leeyihiin.
Waa Maxay Market Cap?
Market Cap ama qiimaha suuqa waa wadarta qiimaha dhammaan coins-ka jira.
Waxaa lagu xisaabiyaa:
Tirada coins-ka la heli karo × Qiimaha hal coin
Tusaale:
- 18 million Bitcoin × $60,000 = Market Cap aad u weyn.
Market Cap wuxuu kuu sheegaa sida mashruucu u weyn yahay.
Waa Maxay Whitepaper?
Whitepaper waa dokumenti sharaxaya:
- Ujeedada mashruuca crypto
- Sida uu u shaqeynayo
- Xalka uu bixinayo
- Qorshayaasha mustaqbalka
Mashruuc kasta oo dhab ah wuxuu leeyahay Whitepaper rasmi ah, sida Bitcoin's Whitepaper oo uu qoray Satoshi Nakamoto.
Waa Maxay Tokenomics?
Tokenomics waa daraasadda dhaqaalaha ka dambeeya token-ka:
- Sida loo qaybinayo tokens
- Sidee loo dhiirrigeliyaa isticmaalka
- Supply (waxa jira) iyo Demand (baahida suuqyada)
Tokenomics wanaagsan waxay taageertaa qiimaha token-ka mustaqbalka.
Maqaal Faahfaahsan oo aan kaga hadlanay Tokenomics halkan ka akhriso waa maxay Tokenomics
Waa Maxay ICO?
ICO (Initial Coin Offering) waa qaab mashruucyadu lacag ugu urursadaan dadweynaha.
Waxaad iibsan kartaa tokens cusub kahor inta aan si rasmi ah suuqa loogu darin.
Khatarta: Mashruucyada qaarkood waa khiyaano (scam).
Waa Maxay Airdrop?
Airdrop waa marka mashruuc crypto uu lacag (tokens) bilaash ah ku siiyo dadka, si uu sumcad ugu helo.
Waxaad heli kartaa Airdrop haddii aad:
- Wax kaydisay (hold)
- La iska diiwaangeliyo mashruuca
- Hawlo fudud qabato (tusaale tweet gareeyo)
Gunaanad
Barashada aasaaska crypto iyo erayada muhiimka ah waa tallaabada koowaad ee aad kaga badbaadi karto khasaaraha suuqan halista badan leh. Maalgelinta garaadkaaga waa ka horreysaa maalgelinta lacagtaada.
Haddii aad si qoto dheer u fahanto Blockchain, Wallets, Spot, Futures, iyo dhammaan ereyada terminoolajiyada crypto, waxaad noqonaysaa maalgaliye miyir qaba oo fursadihiisa kor u qaada, khatartana yareeya.
Haddaba, hadal yar iyo hawl badan, maanta bilow barashadaada dunida Crypto
La Soco Qaybta Labaad (Part 2) !