Hordhac
Dunida cryptocurrency-ga, markaad aasaaska fahanto, waxaa lama huraan ah inaad sii ballaariso fahamkaaga si aad u noqoto maalgaliye xirfad leh.
Maqaalkii hore waxaan ku baranay ereyadii aasaasiga ahaa ee crypto. Maanta waxaan sii ambaqaadi doonaa terminoolajiyada muhiimka ah iyo fikradaha aad u baahan tahay inaad si qoto dheer u taqaan.
Haddaba, kaalay sii baro maanta!
Waa Maxay Altcoin?
Altcoin waa eray guud oo loo isticmaalo dhammaan cryptocurrencies-ka aan ahayn Bitcoin.
Tusaalooyin:
- Ethereum (ETH)
- Solana (SOL)
- Cardano (ADA)
- Ripple (XRP)
Altcoins waxay badanaa bixiyaan sifooyin ka duwan Bitcoin, sida xawaare dheeraad ah ama awood smart contracts ah.
Waa Maxay Stablecoin?
Stablecoin waa cryptocurrency qiimaheedu ku xiran yahay lacag dhaqameed (fiat) ama asset kale.
Ujeedada Stablecoin:
- Inuu bixiyo xasillooni qiimeeed.
- In la isticmaalo sidii lacag wareejin degdeg ah.
Tusaale:
- USDT (Tether)
- USDC (USD Coin)
- BUSD (Binance USD)
Waa Maxay DeFi?
DeFi (Decentralized Finance) waa dhaqaale digital ah oo aan lahayn bangiyo dhexe ama hay'ado maaliyadeed.
Waxaad samayn kartaa DeFi:
- Amaah (lending)
- Amaah qaadasho (borrowing)
- Lacag dhigasho (staking)
- Is-weydaarsi (swapping)
Waxaas oo dhan adoon marin bangi, adigoo isticmaalaaya smart contracts.
Waa Maxay NFT?
NFT (Non-Fungible Token) waa asset digital ah oo gaar ah oo aan isku mid noqon karin.
Tusaale:
- Sawir (artwork)
- Music
- Video Clips
- Gaming Items
NFT waxay bixiyaan xaqiiqo cad oo lahaansho digital ah.
Sii Akhriso maqaalkan Aanu hore uga qornay Si aad Si Fiican Ugu sii fahanto
Waa Maxay Mining?
Mining waa habka lagu abuuro coins cusub laguna xaqiijiyo transactions-ka blockchain-ka.
Habka mining:
- Kombiyuutarro awood badan leh ayaa xalliya xisaabaad adag.
- Sidaas darteedna, waxaa abaal marin loo helaa coins cusub.
Bitcoin mining waa tusaalaha ugu caansan.
Waa Maxay Staking?
Staking waa marka aad ku xirto crypto-kaaga shabakad si aad u hesho abaalmarin.
Waxaad siisa shabakada lacag si ay u xaqiijiso transactions-ka, adigoo adigu helaya faa'iido.
Tusaalo:
- Staking ETH2.0
- Staking ADA
Faa'iido: Waxaa helaysaa dakhli passive ah.
Khatarta: Waxaa jiri kara khasaaro haddii qiimaha coin-ka hoos u dhaco.
Halkan Ayaad ka sii akhrisan kartaa maqaal si fiican aanu u sharaxnay waa maxay Staking
Waa Maxay Gas Fees?
Gas Fee waa lacag yar oo lagu bixiyo si loo fuliyo transaction ama contract smart ah oo blockchain-ka ah.
Tusaalo:
- Ethereum shabakaddu waxay u baahan tahay gas si ay ugu dhaqaaqdo transactions.
- Mararka qaar gas fee aad ayuu qaali u noqon karaa haddii shabakaddu mashquulsan tahay.
Waa Maxay DAO?
DAO (Decentralized Autonomous Organization) waa urur online ah oo aan lahayn madax rasmi ah.
Waxaa lagu maamulaa:
- Smart contracts
- Cod-bixin (Voting) ay samaystaan xubnaha DAO-ga
DAO waxay bixisaa madax-bannaani buuxda oo aan la xukumin qof kaliya.
Waa Maxay Yield Farming?
Yield Farming waa hab aad crypto ugu dhigatid platform DeFi ah si aad uga hesho lacag dheeraad ah (returns).
Habka:
- Waxaad dhigataa crypto
- Waxaad helaysaa abaalmarin lacag (tokens)
Waxay aad ugu dhowdahay amaah ama staking, laakiin halis dheeraad ah ayaa la socota.
Waa Maxay DEX?
DEX (Decentralized Exchange) waa suuq online ah oo aan lahayn gacanta hay’ad dhexe.
DEX-ka waxaad si toos ah ula macaamilaysaa dadka kale adigoo isticmaalaya wallets sida MetaMask.
Tusaalooyinka DEX:
- Uniswap
- PancakeSwap
- SushiSwap
Faa'iido: Ma jirto xakameyn dhexe.
Khatarta: Waa inaad adigu ilaalisaa wallet-kaaga.
Waa Maxay CEX?
CEX (Centralized Exchange) waa suuq crypto ah oo ay maamulaan shirkado ganacsiyeed.
Tusaale:
- Binance
- Coinbase
- Kraken
Faa'iido: Ganacsi sahlan oo user-friendly ah.
Khatarta: Haddii shirkadda la jabsado, adiga ayaad khasaaraysaa.
Sii Akhriso si aad si fiican u sii Fahanto
Farqiga u dhexeeya Dex iyo Cex Exchange
Waa Maxay Private Key?
Private Key waa lambarka sirta ah ee kuu ogolaanaya inaad gasho wallet-kaaga oo aad gacanta ku hayso lacagtaada crypto.
Haddii aad lumiso Private Key-gaaga, lacagtaada waa lagaa qaaday!
Marka mar kasta ilaali oo qarsoodi u hay.
Waa Maxay Public Key?
Public Key waa lambarka aad dadka u dirto si ay lacag kuu soo diraan.
Waa sida account number-kaaga bangiga.
Laakiin haddii aad bixiso Private Key, waxay la mid tahay inaad card-kaaga PIN-kiisii bixisay — taas waa khalad weyn.
Waa Maxay Rug Pull?
Rug Pull waa khiyaano ka dhacda DeFi ama crypto, halkaas oo abuurayaasha mashruuca ay qaataan lacagta dadka maalgashaday kadibna mashruuca jaraan.
Calaamadaha rug pull:
- Mashruuca oo aan lahayn wax shaqo ah.
- Developers aan la garanayn.
- Xayeysiin aad u buunbuunisay oo been ah.
Waa Maxay Pump and Dump?
Pump and Dump waa marka koox dad ahi si toos ah qiimo sare ugu qaadaan crypto si ay danahooda uga faa'iideystaan kadibna isla markiiba iib geeyaan si ay faa'iido u helaan.
Khatarta: Dadka aan ogeyn waxay galaan marka qiimuhu kor u kaco oo ay khasaaro weyn la kulmaan.
Waa Maxay HODL?
HODL waa eray ka yimid qalad qoritaan ("Hold") oo la macno ah inaad crypto-gaaga hayo muddo dheer adigoon iibin, xitaa haddii suuqu hoos u dhaco.
Fikraddu waa:
- Sug
- Samir
- Ka faa’iiday qiimaha mustaqbalka sare u kaca.
Waa Maxay FOMO?
FOMO (Fear Of Missing Out) waa cabsi ah inaad seegto fursad weyn markaad aragto qiimo kacsan.
Dad badan ayaa FOMO ku gala suuqa markuu sareeyo oo khasaaro weyn ku mutaan.
Talada: Ha ganacsan adigoo ku salaynaya dareen kaliya.
Waa Maxay DYOR?
DYOR (Do Your Own Research) waa talo muhiim ah: Ka hor intaadan maalgashan wax crypto ah, samee cilmi-baaris madax bannaan.
Ha raacin xanta kaliya.
Gunaanad
Barashada crypto waa safar joogto ah oo u baahan in si taxadar leh loo barto erayada, mashruucyada, iyo khataraha suuqyada.
Haddii aad maanta barato Altcoins, DeFi, NFTs, Mining, iyo DEX/CEX, waxaad si cad ugu soconaysaa dariiqa saxda ah ee aad ku noqon karto maalgaliye caqli badan.
Xusuusnow: Hana degdegin, hana cabsan, hana ku salayn dareen. Cilmi baa furaha guusha.
Haddaba, maqaalkan qaybta 2aad, waxa aan kuu diyaarinay si aad ugu sii kobciso fahamkaaga Crypto.
Qaybtii koowaad Sii Akhriso part1