Baro Eray Bixinta Crypto Part 3

 

Hordhac

Hore 2 qaybood ayaan kaga soo hadalnay eray Bixinta Crypto Part 1 iyo Part 2. Maanta Part 3 ayaan si fiican uga hadli doonaa si fahanka uu u soo dhawaado baratana eray bixin cusub.

Waxaa muhiim ah in fahamka terminoolajiga crypto uu noqdo mid xoojinaya kalsoonidaada markaad la macaamilayso suuqan.

Qaybihii hore waxaan ku baranay erayo muhiim ah sida blockchain, crypto, wallet, iyo futures, kuwaas oo asaas u ah fahamka nidaamka.

Maanta waxaan sii wadeynaa erayada kale ee muhiimka ah kuwaas oo kaa caawin doona inaad la qabsato ereyada badanaa lagu arko mareegaha, baraha bulshada, iyo goobaha ganacsiga digital-ka ah.

Fahamka terminoolajigan wuxuu muhiim u yahay maalgashiga sugan, ka hortagga khiyaanada, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha la heli karo.

Waa Maxay Halving?

Halving waa dhacdo blockchain-ka (gaar ahaan Bitcoin) oo hoos u dhigta abaalmarinta miners-ka kala bar.

Tusaale:

  • Haddii aad heli jirtay 6.25 BTC markaad block sameyso, kadib halving waxaad heli doontaa 3.125 BTC.

Halving waxa uu yareeyaa supply-ga cusub ee suuqa, taasoo kor u qaadi karta qiimaha Bitcoin mustaqbalka.

Waa Maxay Fork?

Fork waa marka blockchain uu kala jabo laba dariiqo oo kala duwan.

Noocyada Fork:

  • Soft Fork: Isbedel yar oo aan jabinaya nidaamka hore.
  • Hard Fork: Isbedel weyn oo keenaya blockchain cusub.

Tusaalo:

  • Bitcoin Cash wuxuu ka farcamay Bitcoin hard fork ahaan.

Waa Maxay Whitelist?

Whitelist waa liiska dadka loo oggolaaday inay ka qayb qaataan token sale, airdrop, ama ICO ka hor intaan la furin si guud.

Haddii aad galto Whitelist:

  • Waxaad helaysaa fursad aad ku iibsato tokens qiimo hoose.
  • Waxaa laga yaabaa inaad hesho abaalmarino gaar ah.

Waa Maxay ICO, IDO, IEO?

ICO (Initial Coin Offering): Waa marka mashruuc cusub uu dadweynaha ka codsado lacag si uu u bilaabo, isagoo siinaya tokens bedel ahaan.

IDO (Initial DEX Offering): Waa ICO, laakiin lagu qabto Decentralized Exchange sida Uniswap.

IEO (Initial Exchange Offering): Waa ICO lagu qabto Centralized Exchange sida Binance Launchpad.

Dhammaan waxay yihiin habab mashruucyadu lacag ku ururiyaan si ay u kobciyaan.

Waa Maxay Seed Phrase?

Seed Phrase waa liis 12 ilaa 24 eray ah oo si gaar ah u xiran Private Key-gaaga.

Seed Phrase-ka:

  • Waa nolosha crypto-gaaga.
  • Haddii aad lumiso, ma heli kartid account-kaaga.
  • Waxaa lagama maarmaan ah in aad si qarsoodi ah u ilaaliso.

Waa Maxay Impermanent Loss?

Impermanent Loss waa khasaaro ku dhaca markaad liquidity dhigato DEX oo qiimaha labada asset uu si aan caadi ahayn isu bedelo.

Haddii qiimaha uu si weyn isbedelo, lacagtaada aad ku haysatay liquidity pool waxa laga yaabaa inay noqoto mid ka yar haddii aad si fudud u haysato asset-kaaga.

Waa Maxay Slippage?

Slippage waa farqiga u dhexeeya qiimaha aad rabto inaad ku iibsato crypto iyo qiimaha aad dhab ahaan ku hesho.

Sababta Slippage:

  • Volatility sare.
  • Liquidity hoose.

DEX-yada sida Uniswap mararka qaar waxay leeyihiin slippage badan.

Waa Maxay Smart Contract?

Smart Contract waa heshiis digital ah oo iskiis u shaqeeya marka shuruudo la gaaro.

Tusaalo:

  • Marka aad dhigato lacag, smart contract ayaa si toos ah u fulinaya wareejinta.

Waxa uu meesha ka saaraa baahida qof dhexe (third party).

Waa Maxay Cold Storage?

Cold Storage waa hab aad crypto-gaaga ugu kaydiso offline si aad uga ilaaliso khataraha internet-ka sida hackers.

Hababka Cold Storage:

  • Hardware Wallets (Ledger, Trezor)
  • Paper Wallets

Adigoo isticmaala cold storage waxaad si aad ah u ilaalin kartaa crypto-gaaga.

DApp (Decentralized Application)

DApp waa app aan lahayn hal meel dhexe oo laga maamulo, waxa uu ku shaqeeyaa blockchain. Tusaale: Uniswap ama Aave. Waxa uu dadka siinayaa xorriyad, sir la’aan, iyo kala dambeyn la'aan.

Liquidity Pool

Liquidity Pool waa meel dadka isticmaala crypto ay lacagtooda gelin karaan si loo fududeeyo ganacsiga (trading) labada token ee kala duwan. Dadka lacagta dhigta waxaa lagu abaalmariyaa faa’iido (yield farming ama fee commissions).


Waa Maxay REKT?

REKT waa eray slang ah oo crypto laga isticmaalo marka qof si xun khasaaro u galo suuqa.
Tusaale:
Qof $1000 galiyay coin aan qiimo lahayn oo 90% dhacay, waxaa lagu oranayaa "Wuu REKT noqday."

Waa Maxay Bag Holder?

Bag Holder waa qof haysta crypto qiimo weyn lumiyay laakiin wali haya isagoo rajeynaya in qiimuhu mar kale kaco.

Waa Maxay Flippening?

Flippening waa fikirka ah in coin kale (badanaa Ethereum) uu ka gudbo Bitcoin marka la eego market cap.

Inkasta oo ay weli dhicin, Flippening waa mid si weyn looga hadlo.

Waa Maxay Mooning?

Mooning waa marka qiimaha coin aad u kacayo si xawli leh oo la moodo inuu cirka aadayo.

Tusaale:

  • "ETH is mooning!"
    (Macneheedu: Qiimaha ETH si xad dhaaf ah ayuu u kacayaa.)

Gunaanad

Aqoon kororsi joogto ah waa sirta guusha ee cryptocurrency.
Marka aad barato liquidity, tokenomics, halving, smart contracts, iyo dhammaan terminoolajiyada aan maanta sharaxnay, waxaad heli doontaa faham qoto dheer oo ka caawinaya ganacsigaaga crypto inuu noqdo mid guuleysta.

Xusuusnow:

  • Ilaali seed phrase-kaaga.
  • Samee cilmi-baaris (DYOR) ka hor maalgashi.
  • Maskax furan iyo taxadar la socda!


Previous Post Next Post

iibso Domain Iyo Hosting Qiime Jaban

Hostinger Hosting Bluehost Hosting Namecheap Hosting

© 2025 Ustaadka . All Rights Reserved

Contact Form