Sidee Loo Helaa Tarde A+ Setup ah

Tarde A+ sawir ka turjumaya

Hordhac

Ganacsiga Forex iyo Crypto wuxuu si degdeg ah ugu fidayaa bulshada Soomaaliyeed. Dad badan ayaa hadda fahmay in suuqyadan aysan ahayn meelo nasiib lagu raadiyo, balse ay u baahan yihiin xirfad, dulqaad iyo qorshe cad. Halkaas ayaa laga keenay ereyga "tarde A+", oo tilmaamaya ganacsi la sameeyay si cilmiyaysan, qorshaysan, islamarkaana leh fursad guul sare leh.

Haddaba, sidee loo helaa tarde A+ ah? Maxaa lagu gartaa? Muxuu xiriir la leeyahay istiraatiijiyadaha sida ICT, Order Blocks, Fair Value Gaps, iyo Market Structure Shift? Maqaalkani wuxuu ka jawaabayaa dhammaan su’aalahaas.

Waa Maxay Tarde A+?

Tarde A+ waa ganacsi si fiican loo soo diyaariyay oo aan lagu galin rabitaan degdeg ah ama dareen. Waa mid la socda qodobbo muhiim ah sida:

  • Xogta suuqa oo la falanqeeyay (technical & fundamental)
  • Maareyn lacag oo taxaddar leh
  • Goob suuqeed sax ah (liquidity zones)
  • Xilli ganacsi oo saameyn leh (session timing)
  • Iyo waxa ugu muhiimsan: suuqa la fahmay dhismihiisa (market structure)

Istaraatiijiyadda ICT iyo Tarde A+

ICT (Inner Circle Trader) waa istiraatiijiyad ay adeegsadaan traders xirfadlayaal ah si ay u fahmaan waxa ay sameynayaan ciyaartoyda waaweyn ee suuqa (smart money). Waxa ay salka ku haysaa:

1. Market Structure Shift (MSS)

Tani waa isbeddel muuqda oo suuqa ka dhaca, tusaale:

  • Haddii suuqu hore u korayay (higher highs & higher lows) balse uu hadda jebiyo low-kii hore → Waxaa dhici karta MSS oo hooseysa.
  • MSS waxay ku tuseysaa in jihada suuqa is beddelay, taas oo ah goorta aad ka baaraan-degi karto tarde A+ ah oo ka hortag ah (reversal) ama raacsan (continuation).

2. Order Block (OB)

Order Blocks waa candle-kii ugu dambeeyay ee smart money isticmaalo si ay u gasho suuqa:

  • Haddii aad aragto bearish engulfing candle ka hor intaan suuqu hoos u dhicin, candle-kaas sare waxaa loo arkaa OB (Order Block).
  • Tarde A+ waxay badanaa ka bilaabataa OB, sababtoo ah smart money halkay wax ka bilaabaan ayaa fure u ah guusha.

3. Fair Value Gap (FVG)

FVG waa meel suuqa ka jirta oo aan buuxin saddex candle isku xiga — taas oo tilmaamaysa imbalance ama firaaq suuqeed.

  • Tusaale: haddii candle bullish ah uu si xoog ah u kacay oo uusan dib u booqan qeybta dhexe, waxaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto si uu u buuxiyo FVG — taasina waa fursad tarde A+ ah.
  • FVG waxay leedahay kalsooni sare maadaama suuqu jecel yahay inuu "balance" ku soo laabto.

Sida Loogu Adeegsado ICT Istaraatiijiyadaha Si Loo Helo Tarde A+

Tallaabo 1: Aqoonso jihada suuqa (market structure)

→ Isticmaal timeframe weyn (H4/Daily) si aad u fahamto jihada guud

Tallaabo 2: Sug MSS (Market Structure Shift)

→ Suuqu ma beddelay jihadii? Halkee ayuu jebiyay previous high/low?

Tallaabo 3: Aqoonso Order Block ama FVG

→ Halkee ayuu smart money ka galay suuqa? Miyay jirtaa imbalance?

Tallaabo 4: Sug entry confirmation (e.g. break of structure, inducement)

→ Ha gelin ganacsi ilaa aad aragto calaamad cad oo ku taageeraysa

Tallaabo 5: Isticmaal Risk Management

→ Ha gelin wax ka badan 1-2% account-kaaga, oo dhig stop-loss ka hooseeya OB ama FVG.

Faa’iidooyinka Isticmaalka ICT Strategy

  • Waxay kuu sheegaysaa meesha saxda ah ee aad ka geli karto trade
    • Waxay kaa ilaalinaysaa inaad ku dhacdo traps ay dhigayaan suuqa.                                
    • Waxay kordhinaysaa kalsoonidaada iyo dulqaadkaaga.                                                     
    • Waa mid si fudud loogu dabaqi karo suuqyada Forex iyo Crypto labadaba.             
    • Waxay kuu sahleysaa inaad fahamto waxa ay sameynayaan "smart money" (bangiyada waaweyn iyo institutions)            
    • Waxay kaa dhigeysaa inaad sugto fursado tayo leh, halkii aad fursad walba ku boodilahayd.                                                        
    • Waxay si cad kuu tusaysaa jihada suuqa adigoo adeegsanaya MSS iyo liquidity zones.                                                                     
    • Waxay kor u qaaddaa sharciyeynta ganacsigaaga — waxaad yeelanaysaa sabab kasta oo aad trade u gashay.                
    • Waxay yaraysaa khasaaraha adigoo isticmaalaya OB iyo FVG si sax ah.                 
    • ICT strategy waa nidaam barnaamij leh, waxayna kaa caawineysaa inaad ka guurto trading-ka rabitaanka ku saleysan una gudubto trading maskax furan iyo nidaam leh


    Tarde A+ sawir ka turjumaya

    Talooyin Dheeraad ah oo Ku Saabsan Tarde A+

    1. Ha degdegin: Suuqu wuu joogi doonaa, fursado waa imaan doonaan
    2. Samee backtesting: Tijaabi istaraatiijiyadaada oo eeg sida ay u shaqeyso taariikh ahaan
    3. La soco xilliyada suuqa (Sessions): London & New York sessions waa kuwa ugu firfircoon
    4. Baro liquidity grabs iyo inducement traps: Waa xeelado muhiim u ah fahamka smart money

    Gunaanad

    Suuqu wuu is beddelaa, balse kan fahma dhaqankiisa ayaa mar walba ka horeeya. Istaraatiijiyad la'aan waa sida dooni badeed ku socota aan jihe lahayn. Tarde A+ waxay u baahan tahay inaad barato khaladaadkaaga, horumariso xisaabta maskaxdaada, kana feejignaato dhakada hunguriga. Ha noqon mid isku halleeya nasiib  noqda mid ku tiirsan xirfad. Haddii aad maanta bilowdo si niyad leh, berri waxaad noqon kartaa trader dadka kale tusaale ka dhigtay.

    👉 Sidee adiga u tahay tarde A+? Fikradaada ku soo qor comment-ga Haddii aad maqaalkaan ka faa’iideysatay, share garee.


    1 Comments

    Previous Post Next Post

    iibso Domain Iyo Hosting Qiime Jaban

    Hostinger Hosting Bluehost Hosting Namecheap Hosting

    © 2025 Ustaadka . All Rights Reserved

    Contact Form