Haddii aad 3 jeer isku xigta Akoono funded ah kaa Gubteen oo aad ku khasaartay Qormadan adigaa iska leh


Haddii aad 3 jeer isku xigta  Akoono funded ah kaa Gubteen oo aad ku khasaartay  qormadan adigaa iska leh

Hordhac

Trading-ka  ha noqdo mid ku saabsan Forex ama Crypto waa safar adag oo aan la helin guul habeen kaliya. Dhammaan dadka maanta ka faa’iideysta suuqa si joogto ah, waxay soo mareen marxalado ay ka niyad jabeen, khasaaro la kulmeen, ilaa ay garteen waxa ay si khaldan u samaynayeen.

Laakiin marka aad saddex jeer isku xigto ku khasaartay, waxa laga yaabaa in dareenkaaga hoos u dhaco, kalsooni-darro kugu abuuranto, xitaa laga yaabo inaad go’aansato inaad gebi ahaanba ka tagto trading-ka. Ha quusan! Qormadan adigaa iska leh, sababtoo ah waxaan ka hadli doonaa:

  • Sababaha ugu badan ee khasaaraha joogtada ah

  • Sida loo sameeyo isbeddel dhab ah

  • Qorshe cad oo aad uga soo kaban karto

  • Talooyin khibrad ku saleysan

Qaybta 1: Waa Maxay Sababta Aad Ugu Khasaartay 3 Jeer Isku Xigta?

✅ 1. Waxaad Gashaa Meel Aanad Fahmin

Badanaa, ganacsatada cusub waxay raacaan signal  ay arkeen in lagu faafinayo Telegram ama TikTok. Laakiin ma helaan fahamka saxda ah ee sababta loo galay trade-ka. Waxaa laga yaabaa in aan la isticmaalin analysis, ama la iska raacay FOMO.

✅ 2. Ma Jirto Qorshe Cad (No Trading Plan)

Ganacsi la'aan qorshe waa sida qof indho la’aan ah oo dariiq madow ku socda. Haddii aadan garanayn:

  • Goorma inaad gasho trade?

  • Goorma inaad ka baxdo?

  • Immisa aad halis gelinayso?
    ...markaa guuldarro ayaa kuu dhow.

✅ 3. Dareen Ayaa Kuu Hogaamiya

Khasaaruhu wuxuu inta badan yimaadaa marka:

  • Aad isku daydo inaad "ka aarsato suuqa"

  • Aad rabto inaad si degdeg ah u soo celiso khasaaraha

  • Ama aad ka baxdo trade fiican kahor TP

✅ 4. Overtrading (Trade Badan oo Aan Tayo Lahayn)

Ganacsato badan waxay sameeyaan ganacsi badan si ay wax uga helaan, laakiin inta badan waxay galaan meelaha aan fursad wanaagsan lahayn. Ganacsi badan = khalad badan.

✅ 5. Leverage-ka oo Si Qaldan Loo Isticmaalay

Dad badan waxay ku khasaarayaan in ay 100x ama 125x leverage ku galaan pair aan la hubin. Hal candle ayaa ku burin kara account dhan.

Qaybta 2: Maxaa Lagaa Rabaa Si Aad Khasaarahaas Uga Soo Baxdo?

✅ 1. Joogso oo Dib Isu Eeg

Markaad 3 jeer khasaarayso, ha sii wadin ganacsiga. Iska jooji 1–3 maalmood, oo dib u eeg:

  • Maxaad khalday?

  • Ma qorshe baad lahayd?

  • Ma dareen ayaa kugu qaaday?

Qoraal samee: qoral kooban oo aad ku falanqeynayso ganacsigii dhacay.

✅ 2. Baro Istaraatiijiyad Kuu Shaqaynaysa

Dooro hal istaraatiijiyad oo aad baranayso, tusaale ahaan:

  • Support & Resistance + Price Action

  • Break & Retest + Trendlines

  • ICT concepts sida FVG, MSS, OB

Kusoo koob istaraatiijiyaddaada hal bog  adigaa mar walba ku noqonaya.

✅3. Ku Bilaaw Demo ama Capital Yar (Ama 5K Challenge oo Funding Pips ah $36 oo keliya)

Markaad dhowr jeer si isku xigta u khasaaray, ma aha in aad markale suuq ku gasho adigoo lacag cusub gelinaya taa beddelkeeda, waxaad u baahan tahay inaad dib isu tababarto si xirfad leh.

Habka ugu fiican waa:

  • Ku laabo demo account si aad ugu shaqeyso khaladaadkii hore
    Ama

  • Iska diiwaangeli Funding Pips 5K Challenge, kaas oo kaliya ku kacaya $36, una suurto gelinaya in aad hesho account funded ah oo $5,000 ah

Tusaale ahaan:

"Haddii aad 3 jeer khasaartay $50 midkiiba, waxaad lumisay $150. Laakiin haddii aad $36 u isticmaasho inaad gasho Funding Pips Challenge, waxaad heli kartaa fursad aad ku maamuli karto account weyn oo adiga aan khatar  gelin."

Faa’iidada waxay tahay:

  • Waxaad barato hab-dhaqan xirfadeed

  • Ma halis galinaysid lacag badan

  • Haddii aad shuruudaha buuxiso, waxaa lagugu wareejinayaa account live ah oo aad qayb ka helaysid faa’iidada

Funding Pips waa meel ay ganacsato badan oo cusub iyo kuwa soo laabanaya ka heleen fursado ay ku dhiseen kalsooni iyo nidaam.

✅ 4. Xakamee Dareenkaaga

Ganacsiga waa ciyaar nafsaani ah. Haddii aadan xakameynin:

  • Cabsi

  • Faa’iido doon degdeg ah

  • Aarsasho
    markaa waxaad had iyo jeer galaynaa khasaaro.

✅ 5. La Soco Trading Journal

Qor ganacsiyadaada oo dhan:

  • Goorta aad gashay

  • Sababta aad gashay

  • Goorta aad ka baxday

  • Natiijada

Ka dib usbuuc walba dib u akhri — waxaad arki doontaa xitaa khaladaad aad is dhihi weyday wey jiraan.

Qaybta 3: Tusaale Xooggan – Sidee Khasaaro Loo Rogaa Faa’iido?

Cabdikariim waa wiil Somali ah oo Forex ku bilaabay $100.
Markii hore wuxuu galay trade aan qorshe lahayn, kaddibna 3 jeer ayuu si xidhiidh ah u khasaaray. Waxaa uu bilaabay inuu dareemo in trading uusan isaga u shaqaynayn. Laakiin:

  • Wuxuu joojiyay ganacsiga 5 maalmood

  • Wuxuu akhriyay buug "Trading in the Zone"

  • Wuxuu sameeyay trading plan fudud

  • Wuxuu ku celiyay demo account

Markii uu dib u bilaabay, wuxuu lacagtiisa $100 u beddelay $500 muddo 3 toddobaad gudahood ah  sababtoo ah wuxuu bartay sida loo sabro, loo qorsheeyo, loona qiimeeyo trade kasta.

Qaybta 4: Talooyin Dahabi ah oo Ka Saaraya Khasaaraha Isku Xiga

  1. Khasaaraha waa Qayb Ka Mid ah Trading – Khasaaro macnaheedu maaha inaad fashilantay, waa qeyb ka mid ah waxbarashada.

  2. Ma Jirto Fursad Maalin Walba Leh  Sug fursadaha tayada leh oo kaliya.

  3. TP iyo SL Ku Xadid – Mar walba  Ha gelin ganacsi adigoon SL dejin.

  4. Ka Fogow Revenge Trading Haddii aad khasaaray, fadlan naso.

  5. Wax Kasta Qor – Qor dhammaan falanqayntaada iyo casharadii aad ka baratay ganacsiyadaas.

  6. La Wadaag Dad Kale oo Fahmaya – Haddii aad la xiriirto ganacsato kale, waad iska ilaalin kartaa qaladaadka fudud.

Gunaanad

Haddii aad 3 jeer isku xigto ku khasaartay trading  tani maaha dhammaadka. Waa baraarujin kuu sheegaysa in aad:

  • Dib isu eegto

  • Barato sababta kugu kalliftay khasaaraha

  • U beddesho qorshe, dulqaad iyo falanqeyn qoto dheer

  • Akoonada xiga waxa hubaala inaad si fiican u baasin doonto taasina waa mida tarder kasta oo guulaysta uu soo maro ee ha niyad jabin

Xasuusnow Khasaaraha ma joojiyo qofka guuleysta wax buu ka bartaa oo wuu sii socdaa. 

Ha ka baqin inaad khalad samayso, laakin ka baq inaad khaladkii hore mar kale ku celiso. Suuqa ma neceba qofna, laakiin wuxuu u jecel yahay qofka diyaar u ah inuu barto, dulqaato, oo horumar sameeyo.

labadan maqaal  ee hosse waa laba hab oo kaa dhigaya mid mar ksata guulaysta 

👉Sirtan Ku Tarde Garee Si Aad Profitable U Noqoto
👉Qaabka Cusub ee Hagarlaawe U Tarde Gareeyo




Previous Post Next Post

iibso Domain Iyo Hosting Qiime Jaban

Hostinger Hosting Bluehost Hosting Namecheap Hosting

⚠️ Ma jiro wax koorso ah oo aan iibiyo, mana jirto meel lacag lagu bixiyo anigoo dadka wax baraya wax walba oo ku jira Ustaadka waa free. Ustaadka.com

Donations Send USDT BEP20 Website-ka
0x40cf7c1****bebed98e6
📋

Contact Form